Madaxweyne xasan sheikh oo kala hadlayo Mareykanka la dagaalanka Al-Shabaab

by admin | Thursday, Sep 15, 2022 | 259 views

Waxaa lagu wadaa in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu magaalada Washington ee dalka mareykanka uu kula kulmo Xoghayaha Difaaca dalka Mareykanka Lloyd Austin.

War kasoo baxay Wasaaradda gaashaandhigga Maraykanka ee Pentagon-ka ayaa lagu sheegtay in madaxweynaha Soomaaliya oo socdaalkiisa Mareykanka uu la xiriiro ka qeyb galka shirka golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay iyo xoghayaha difaaca Maraykanka ay wada qaadan doonaan kulanka labada geesood ah.

Kulanka ayaa Wasaaraddu sheegtay uu yahay  mid lagu xoojinayo xidhiidhka labo geesoodka ah ee labada dal iyo iskaashiga la xiriira amniga ee la dagaalanka ururka Al-Shabaab oo weeraro ka fuliya Soomaaliya.

Maraykanka ayaa ah saaxiibka ugu weyn ee Soomaaliya ka taageeera dhinaca amniga iyo la dagaalanka Al-Shabaab, waxaana diyaaradaha Mareykanka ee aan duuliyaha laheyn ay mararka qaar duqeymo la beegsadaan Xarumo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa hadda sidoo kale wada qorsho uu ku ballaarinayo joogitaankiisa Soomaaliya iyadoo la filayo inuu ciidamo dheeraad ah usoo diro dalka Soomaaliya, iyada oo dhawaan Maraykanka uu dib usoo cusboonaysiiyay howlgallada cirka ee lagula dagaalamayo A-Sshabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response