Magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka Soomaaliya oo Maanta si weyn looga Ciiday

by admin | Tuesday, Jul 20, 2021 | 273 views

Waxaa maanta oo talaado ah oo ku beegan maalinta koowaad ee Ciidda Carafo si weyn looga Ciiday wadamo badan oo ka mid ah Caalamka oo ay Soomaaliya ku jirto.

Magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ayaa maanta si weyn looga oogay Tukashada Salaada Ciida Carafo, waxaana la arkaayay dadweyne aad u faraxsan oo isugu hambalyeeynay farxada iyo dabaaldega maalintan qiimaha badan.

Wadooyinka waa weyn ee magaalooyinka dalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu arkayaa dad u badan dhalinyaro iyo caruur ku labisan dhar qurux badan, waxaana wajiyadooda ka muuqday farxad heerkeedu sareeyso.

Madaxda ugu sareysa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowlad goboleedyada dalka ayaa si isku mid ah ugu hambalyeeyay Shacabka Soomaaliyeed oo maanta u dabaaldegaya maalinta koowaad ee Munaasabadda Ciidul Adxaa.

Like it? Share it!

Leave A Response