Magacyada Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay Xubno ka tirsan Al-Shabaab {Akhriso:-}

by admin | Wednesday, Apr 7, 2021 | 390 views

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay xukuno kala duwan ku riday Rag iyo dumar lagu eedeeyay inay ka tirsanaayeen Ururka Al-Shabaab kana howlgalayeen Magaalada Muqdisho.

Dadka ay Maxkamadda xukunka ku riday ayaa waxaa ay kala ahaayeen.

1: Safiyo Cali Guure iyo Gabadheeda Nasro Daa’uud Ismaaciil oo lagu eedeeyay in Gurigooda ay Hubka noocyadiisa kala duwan ugu keydin jireen Al-Shabaab kana kireysay Gurigeeda Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

2: Sakariye Xasan Yuusuf ayaa lagu helay in uu ka tirsanaa Al-Shabaab una qaabilsanaa dilalka qorsheysan ee laga fuliyo Magaalada muqdisho, sidoo kalena uu ku tuuray bam aan khasaaro geysan Dugsiga 21 Oktoober ee degmada Howl-Wadaag.

3: Maxamed Ciise Sheekh Cumar oo lagu helay in uu bambooyin aan khasaaro geysan ku tuuray Baraha Koontorrool ee Ciidamada dowladda ku leeyihiin laamaha Al-Baraka iyo Warshadda Biyaha Caafi.

4: Cabduqaadir Abuukar Xasan oo ahaa isku duwaha Xubnahan ka tirsan Al-Shabaab iyo howlgeliyahooda halka Cabdiqani Xasan Xaashi uu ahaa Madaxa qarsoon ee Al-Shabaab ee Gobolka Banaadir.

Hay’adaha Amniga dowladda Somaaliya ayaa waxaa la sheegay in Xubnahan ay kasoo kala qabteen degmada Deeyniile, degaanka Ceelasha Biyaha, Yaaqshiid iyo degmada Hodan Bishii November ee sanadkii 2020.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in Cabduqaadir Abuukar Xasan lagu xukumay Xabsi daa’in, halka min 15 sano sano oo Xabsi ciidan ah lagu xukumay Safiyo Cali Guure, Cabdiqani Xasan Xaashi, Maxamed Ciise Sheekh Cumar iyo Sakariye Xasan Yuusuf halka Saddex sano oo Xabsi ah lagu xukumay Nasro Daa’uud Ismaaciil

Like it? Share it!

Leave A Response