Magacyada Musharrixiinta Maanta khudbadaha jeedinaya

by admin | Wednesday, May 11, 2022 | 418 views

Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay kulan wadajir ah ku yeelanayaan Teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho.

Xildhibaannada ayaa waxaa Maanta hortagaya 20 kamid ah musharrixiinta Madaxweynaha, kuwaas oo khudbadahooda musharraxnimo ka hor jeedin doona Xildhibaannada, iyaga oo uu soo bandhigi doono musharrax kasta waxyaabaha uu qaban doono hadii uu guuleysto.

Ammaanka Teendhada Afisiyooni ayaa aad loo adkeeyay, waxaana la xiray dhamaan waddooyinka gala iyo kuwa kasoo baxa, iyada oo sidoo kale Ammaanka Guud ee Xerada Afisiyoobi ay la wareegeen Ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS.

Maalinta Berito ah ayaa la soo geba-gabeyn doonaa dhageysiga khudbaha musharrixiinta oo gaaraya 39 Musharrax, waxaana 20 Maanta khudbadaha jeedin doona ay Magacyadooda kala yihiin

1: Cabdi Aadam Hoosow
2: Cabdi Cali Xassan
3: Cabdi Maxamed kuusow
4: Cabdikariim Xuseen Gueleed.
5: Cabbdinaasir Cabdulle Maxamed
6: Cabdinuur Sheekh Maxamed Maxamuud
7: Cabdiraxman Cabdishakuur Warsame
8: Cabdiraxman Macalin Axmed Maxamed (Ablaal)
9: Cabdiraxman Maxamed Cabdi Xaashi
10: Cabduqaadir Xuseen Maxamed (Jaahwayn)
11: Abdulkadir Osoble Ali
12: Cabduqaadir Sheekh CaIi Ibraahim (Baqdaadi)
13: Cabdullaahi Cali Axmed (Caddoow Cali Gees)
14: Cabdullaahi Cali Xasan
15: Abuukar Aadan Cabdulle
16: Axmed Ducaale Geelle (Xaaf)
17: Bashir Xaaji Cali
18: Daahir Maxamuud Geelle
19: Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadam
20: Xasan Cali Kheyre.

Like it? Share it!

Leave A Response