Magacyadda Mas’uuliyiinta lagu dilay Qaraxa Shabeellaha Dhexe

by admin | Saturday, Sep 14, 2019 | 593 views

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qaraxa Saaka Kolonyo ay la socdeen Mas’uuliyiin ka tirsan Shabeellaha Dhexe lagula eegtay duleedka Magaalada Balcad xilli ay kusii jeedeen Magaalada Jowhar.

Afar ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen Qaraxa oo ahaa Miinadda Nooca dhulka lagu Aaso ee meelaha fog fog laga haggo.

Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle ayaa u xaqiijiyay  warbaahinta in Mas’uuliyiinta Qaraxa ku dhintay ay ka mid yihiin  Guddoomiye kuxigeenka Maaliyadda Gobolka Shabeellaha Dhexe C/llaahi Shitaawe ,Wasiirkii hore ee Ganacsiga Hirshabeelle Sabriye Cusmaan iyo Xasan Baldoos oo la shaqeynayay mid ka mid ah hey’adaha sama falka ee howlgala Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Like it? Share it!

Leave A Response