Magacyadda raggii fuliyay weerarkii Nairobi oo la shaaciyay

by admin | Friday, Jan 18, 2019 | 864 views

Ciidanka Booliska dalka Kenya ayaa shaaciyay qaar ka mid ah raggii ka dambeeyay weerarkii Talaadadii lagu qaaday dhismaha Hotelka DusitD2 ee magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya.

Booliska  wali wadda baaritaano dheeraad ah ayaa shaaciyay qeybo ka mid ah magacyadda raggii fuliyay weerarka iyo waliba sidda ay Shabaab ugu biireen, waxaana ku jira wiil uu dhalay Sarkaal ka tirsan Ciidanka dowladda Kenya.

Ali Salim Gichunge oo uu dhalay Sarkaal ka tirsan ciidanka Difaaca dowladda ee lagu magacaabo KDF  ahaana 27 sano jir,ayaa ka mid ahaa raggii fuliyay weerarka, waxaana yaraantiisii lagu xanaaneyn jiray Kaaniisad loogu tala galay Carruurta yaryar oo ku taalla dalka Kenya.

Booliska Kenya ayaa xalay Saqdhexe soo xiray Xaaskiisa iyo gabadh la dhalatay oo kunoolaa Magaalada Nairobi si wax looga weydiiyo Falkaan uu sameeyay, waxaa uu ka mid ahaa raggii weerarka soo qaaday ee Gudaha galay.

Dowladda Shaacisay Magacyadda Shaqsiyaad kale oo weerarka fuliyay waxaana ka mid ah Eric Kinyanjui oo 26 jir ah oo kasoo jeedda Ngecha ee Limuru iyo Faaruuq oo ku dhashay Xaafada isku raranka ah ee Majengo ee magaalada Nairobi.

Raggaan ayaa 2011ilaa iyo 2015-kii intii u dhaxeysay ku biiray Al-Shabaab, waxaana la sheegay in ay qaateen diinta Islaamka intii ay la joogeen Al-Shabaab, waxaana xusid mudan in dhammaantood ay yihiin Kenyaan.

 

Like it? Share it!

Leave A Response