Mahad Salaad: “Farmaajo laba mid ayuu ku dambeyn doonaa”{AKHRISO}

by admin | Thursday, Apr 8, 2021 | 415 views

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan golaha shacabka Soomaaliya ayaa ka hadlay xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan is mari-waaga ka taagan hannaanka doorashooyinka, xilli uu dhammaaday muddo xileedka dowladda Soomaaliya.
Mahad Salaad Maxamed ayaa shaaca ka qaaday in labo arrin midood uu ku dambeyn doono madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday, maadaana labo bil ay buuxsantay kadib dib u doorashadiisa, iyada oo aan heshiis laga gaarin, sida looga gudbayo marxalada lagu jiro.
Mida koowaad ayuu xildhibaanka ku sheegay inay tahay faro-gelin ka imaan karto beesha caalamka, sida cahdigii Kampala Accord ee la saxiixay sanadkkii 2011-kii.
Sidoo kale wuxuu sheegay inay dhici karto in Farmaajo uu si xoog ah ku sii joogo Villa Soomaaliya, kadibna dalka uu geliyo dagaal sokeeye oo isaga la’isaga saarayo.
Halkan hoose ka aqriso:
Farmaajo labo bilood ayuu sharci daro ku dhex fadhiyaa Villa Soomaaliya. Labo mid ayuuna ku dambeyn doonaa:
1. In Beesha Caalamku soo farageliso wadahadalada, Farmaajo heshiis lagu qasbo sidii Cahdigii Kampala (Kampala Accord) ee 9-kii June 2011 lagu kala saxiixday dalka Uganda. Qodob heshiiska ka mid wuxuu dhigayay in Farmaajo iscasilo mudo 30 beri gudahood ah. Kampala Accord waxaa wada saxiixay Sheekh Shariif, Shariif Xasan, Museveni iyo Mahiga!
2. Farmaajo inuu ismoodsiiyo xoog inuu xukunka ku heysan karo, dabadeedna duulaan ku qaado dadka ka aragtida duwan, subaxa dambena isagoo dabada looga jiro dalka laga cayriyo sidii duqii adeerkiis ahaa!

Like it? Share it!

Leave A Response