Mahad Salaad oo ka digay “sharci diinta Islaamka ka dhan ah” oo DF ay dooneyso inay horkeento BF

by admin | Saturday, Dec 29, 2018 | 850 views

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa digniin ka bixiyey in baarlamanka Soomaaliya la horkeeno sharci ka dhan ah diinta Islaamka oo ay soo diyaarisay wasaaradda haweenka iyo iyo horumarinta xuquuqda aadanaha Soomaaliya.

Hoos ka aqri qoraal uu Mahad Salaad soo dhigay faceebok

Waxaan ka digeynaa in Goleyaasha Barlamaanka la horkeeno sharci kasoo horjeeda shareecada Islaamka iyo dhaqanka suubban ee Umadda Soomaaliyeed!

Sharaf iyo Karaamo ayaan u haynaa Wasiiradeena iyo Xildhibaanada Goleyaasha Barlamaanka ee shirkaan fadhiya. Lkn hindise sharciyeedka ay soo bandhigtay, soona diyaarisay Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee la rabo inla horkeeno Goleyaasha Barlamaanka, wuxuu si toos ah uga horimaanayaa Shareecada Islaamka ee ummadda Soomaaliyeed dhammaantood ay aaminsan yihiin.

Sida ku cad qodobka 2aad, faqradiisa 1aad, 2aad iyo 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya:

  1. Islaamku waa Diinta Dawladda.
  2. Diin aan ahayn Islaamka laguma faafin karo dalka.
  3. Lama soo saari karo sharci aan waafaqsaneyn Mabaadi’da Guud ee Shareecada Islaamka iyo Maqaasiiddeeda.

Haddaba, hadii aan si kooban u iftiimiyo qodobada Hindise Sharciyeedkaan uga horimaanayo Shareecada Islaamka iyo dhaqanka suubban ee Umadda Soomaaliyeed waxay kala yihiin:

  1. Sharcigaan wuxuu weerarayaa guurkii Nabigeena Muxammad NNKH kuna tilmaamayaa xadgudub iyo fal dambiyeed. Sida ku cad qodobka 27aad ee sharcigaana: Qof kasta waxa uu galayaa fal dambiyeed guursi carruur ah haddii uu si ula kac ah u guursado carruur aan qaangaar ahayn”. Da’da qaangaarka ee sharcigaani xeerinayo waa 18 sano sida ku cad qaybta eray bixinta ee hindise sharciyeedkaan iyo qodobka 29aad, faqradiisa 8aad ee dastuurka. Qof kasta oo gala fal dambiyeedka ku xusan qodobkaana waxaa lagu xukumayaa xabsi aan ka yareyn 10 sano kana badneyn 15 sano”.

Haddaba, maxay diinteenu ka qabtaan arintaan?

Sida ku sugan shan kitaab oo ka mid ah kuwa asalka u ah xadiiska Nabigeena NNKH ( Bukhaari (3894), Muslim (1422), Abu daawuud (2121), Nasaa`i (3378) iyo Ibnu maajah (1876) ) in uu Nabi Muxammad NNKH Caa`isha ku guursaday iyadoo sagaal jir ah.

Haddaba in fal dambiyeed loo arko wax Nabi Muxammad NNKH sameeyay waxay meel ka dhac ku tahay sharafkiisa iyo maqaamkiisa mana aha wax uu qaadan karo qof u rumeysan rasuulnimo.

  1. Sharcigaan kala saari maayo nikaaxa sharciga ah iyo sinada (dhileysi). Sida ku cad qodobka 6aad ee sharcigaan wuxuu si cad u leeyahay: Qof kasta wuxuu galayaa fal dambiyeed ku xadgudub jinsiyeed ah haddii uu fal jinsiyeed la sameeyay oggolaansho la`aanta qof kasta oo kale.

Lagama reebin haddii uu nikaax ka dhexeeyo labada qof sida uu tilmaamayo ereyga QOF KASTA. Sidoo kale labada aan isqabin hadii fal jinsiyadeed uu dhex maro iyagoo raali iskaga ah iyadana denbi maahan sida meesha ka muuqata. SUBXAANALLAAH!

  1. Sida ku cad Qodobka 65aad, faqradiisa 2aad ee sharcigaan wuxuu si cad u leeyahay: Xeer kasta ama qodob sharciyeed KASTA oo ka hor imaanaya sharcigaan ama aan waafaqsanayn sharcigaan waa la baabi`iyay, waxaana lagu baddalay qodobbada sharcigaan.

Taasoo micnaheedu yahay in sharcigaan uu si toos ah u laalayo una burrinayo sharci kasta oo aan waafaqsanayn, taas oo aan laga soo reebin Shareecada Islaamka.

Haddaba, dooda ka taagan sharcigaan waxaa horay iskaga arkay Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Guddiga Garsoorka, Awqaafta iyo Arimaha Diinta ee Golaha Shacabka, Culimada iyo Wasaarada. Talo ayaana loo soo jeediyay Wasiirada iyo Wasaaradeeda. Sidaas daraadeed waxaan kula talin lahaa Wasiiradeena sharafta badan taladii loo soo jeediyay ee ku saabsaneed dulduleelada sharcigaani leeyahay inta dib ula noqoto in ay soo saxdo. Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed na aan dhibaato loo horseedin iyada oo la fulinayo ajandeyaal ay leeyihiin quwado shisheeye.

Like it? Share it!

Leave A Response