Mahad Salad oo ku baaqay in loo diyaar garoobo difaaca{AKHRISO}

by admin | Friday, Jan 15, 2021 | 327 views

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa war kasoo saartay weerar ay xalay Al-Shabaab kula wareegtay deegaanka Ceeldheere, oo 30KM u jirta magaalada Dhuusamareeb, wuxuuna ku baaqay in loo diyaar garoobo difaaca deegaanada Galmudug.
Mahad Salaad ayaa sheegay inay sarre u kaceen weerarada Al-Shabaab ay ka fuliyaan deegaanada Galmudug, kuwaasi oo dhibaatooyin xoogan ku haya bulshada deegaanadaas.
Sidoo kale waxa uu ku baaqay in laga difaaco Galmudug weerarada ay dagaalyahanada Shabaab kusoo qaadayaan iyo dad uu ku sheegay danaystayaal ku hoos duugan.
Hoos ka aqriso qoraalka Mahad Salaad oo dhameystiran.

Galmudug waa in laga difaaco Al-Shabaab iyo danaystayaalka ku hoos duugan!
Muddo labo bilood ah Al-Shabaab waxay weeraro joogto ah ku hayaan Degmooyin iyo Tuulooyin kamid ah Gobolka Mudug sida Bacaadweyne, Caad iyo Camaaro, waxayna soo gaareen agagaarka Wisil, dadkii deegaanadaas degganaa waa barakiciyeen, ceelashii iyo tuulooyinkiina waa ka dumiyeen.
Sidoo kale xalay waxay qabsadeen Ceeldheere oo dhacda wadada laamiga ah ee isku xirta GURICEEL iyo Dhusamareeb, 20 km dhanka galbeed ka jirta Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb. Degmada Matabaan xalay ciidamo ayay soo dul dhoobeen. Sidoo kale waxaa dib u soo laabtay isbaarooyinkii horay looga qaaday deegaanada Galmudug qaarkood.
Weerarka Shabaab ku hayaan deegaanada Galmudug, Isbaarooyinkii maleeshiyaadka ee dib u soo laabtay iyo Habacsanaanta maamul iyo amni ee Galmudug ka jira dhamaantood waa arrimo isbiirsaday halistoodana leh. Waxaan ku talinayaa dadka reer Galmudug in ay isku tashadaan loona diyaar garooba ka difaac dadka iyo deegaanada Galmudug kooxaha Al-Shabaab iyo danaystayaalka ku hoos duugan.

Like it? Share it!

Leave A Response