Malaysia oo yeelatay hoggaamiyaha ugu da’da weyn

by admin | Thursday, May 10, 2018 | 1336 views

Ra’isalwasaarihii hore ee dalka Malaysia Mahatiir Maxamed ayaa sameeyay soo laabasho siyaasadeed kaddib markii uu 15 Sano ka maqnaa maamulka sare ee dowladda Malaysia.
Waxaa uu hore 22 Sano u ahaa Ra’isalwasaaraha Malaysia intii u dhaxeysay 1981dii ilaa 2003dii,waxaana uu kaddib ka baxay xisbiga talada hayay isaga oo sameystay mid mucaarid ah oo ay ku jiraan hoggaamiyayaashii isaga mucaaridka ku ahaa.
Doorasho shalay ka dhacday Malaysia ayuu ka sameeyay soo laabasho cajiib ah markii Xisbiga uu watay ee Mucaaridka ah ay Kuraasta baarlamaanka ka heleen wax ka badan 113 Kursi.
Waxaa ay taas uga dhigan tahay Ra’isalwasaaraha xiga ee Malaysia in uu noqonayo waana markii labaad oo uu ra’isalwasaare noqdo.

Axaddii la soo dhaafay mar uu khudbaddii ugu dambeysay ee Ololaha jeedinayay waxaa uu sheegay in xisbigiisa uu heysto fursad uu ku jiebin karo dowladda uu sheegay in ay madaxda ka yihiin kuwo uu ku tilmaamay tuugo.
Waxaa uu caan ku yahay la dagaallanka musuq,cododka ugu badan waxaa uu ka helay Dadka Malayga looyaqaan ee asalka dalka Malaysa ah kuwaas oo 60% ka ah bulshada dalkaas.
Xisbiga talada haya ee uu hoggaamiyo Ra’isalwasaare Najiib Razaaq ayaa helay 70 kursi oo kali ah,waxaana xilka la wareegaya Mahatiir oo 92 jir ah,islamarkaana noqonaya ra’isalwasaaraha ugu da’da weyn ee soo mara Taariikhda Malaysia.

Like it? Share it!

Leave A Response