Maleeshiyaad hubeysan oo Dad kala baxay Xabsiga Magaalada laas-Caanood

by admin | Monday, Oct 26, 2020 | 374 views

Wararka laga helayo Magaalada laas-Caanood ee Xarunta gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayaan in maleeshiyaad hubeysan ay Maanta Saddex Ruux si awood ah ugala baxeen Xabsiga dhexe ee Magaaladaas.

Dadka lala baxay ayaa ahaa maleeshiyaad dhawaaan la sheegay in laba qof oo Shacab ahaa ku dileen weerar ka dhacay degaan koonfur ka xiga Magaalada laas-caanood, kuwaas oo gacanta ay  ku dhigeen Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliland.

Qaar kamid ah Odayaasha Dhaqanka Magaalada laas-Caanood ayaa waxaa la sheegay inay qeyb ka ahaayeen la bixitaanka Saddexda ruux ee dilka geystay, sida ay sheegeen dada ku sugan Magaalada laas-Caanood.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in maleeshiyaadka sida awooda ah dadka dilka geystay kula baxay ay Magaalada Kala-beyr ee dalka Itoobiay la aadeen Saddexdii Ruux ay la baxeen iyo meydadka labada qof oo aan weli la aasin.

Xaalada Magaalada laas-Caanood ee gobolka Sool ayaa Maanta kacsan,waxaana la hadal hayaa maleeshiyaadka hubeysan oo sida awooda ah Saddex ruux oo loo heysto dilka ugala baxay Xabsiga Dhexe ee Magaalada laas-Caanood.

Like it? Share it!

Leave A Response