Maleeshiyaad Isbaaraley Ah iyo Dadka Deegaanka Oo Ku Dagaallamay gobolka hiiraan .

by admin | Tuesday, Apr 17, 2018 | 940 views

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaallo culus ay ka dhaceen deegaan kaabiga ku haya xuduud beenaadka.

Shalay gelinkii dambe iska hor’imaadyo culus ayaa deegaanka Kala Beyrka ku dhaxmaray maleeshiyaad Soomaali Amxaara kalkaal ah iyo dadka deegaanka.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii maleeshiyaadka oo taageera ka helaya ciidamada Itoobiya ay isbaaro dhigteen Isgoyska istiraatiijiga ah ee Kala Beyrka kadibna dadka deegaanka oo is hubeeyay ayaa arrinkaas ka dhiidhiyay.

Mid kamida dadka deegaanka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ciidamadoodu ay la wareegeen halkii lagu dagaallamay ayna cagta Mariyeen Isbaaradii Kala Beyrka lasoo dhigay.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamada Xabashida Itoobiya aysan wax gurmad ah ufidin maleeshiyaadka isbaaraleyda ah, Teendhooyin iyo guryo cooshada ah oo ay maleeshiyaadku maalintii khamiista ka dhisteen deegaanka Kala Beyrka ayay dadka deegaanka Dab qabadsiiyeen.

Waxgaradka degmada Jawiil ayaa horay saraakiisha Itoobiyaanka usheegay in aysan ogolaan doonin in isbaaro lasoo dhigo Kala Beyrka.

Like it? Share it!

Leave A Response