Mamulka Somaliland: oo Wasiiro Iyo Shirkado ku Eedeeyay Musuqmaasuq

by admin | Sunday, Aug 12, 2018 | 1134 views

Gudiga dabagalka iyo ilaalinta hantida qaranka ee golaha wakiilada Somaliland ayaa warbixin xasaasi ah oo ay golaha hordhigeen waxay markii ugu horeysay ku eedeeyeen wasiiro hore iyo sharikado gaar loo leeyahay musuqmaasuq mashaariic ay xukuumadda uga fulinayeen gobollada qaarkood.

Guddoomiyaha guddigaas xildhibaan Naasir Xaaji Cali Shire ayaa sheegay in xilligaan ay sameeyeen xisaab xirka Sanadkii 2016,isla markaana ay u soo gaba gaboobeen baaris ay ku hayeen Wasiiro hore iyo Shirkado gaar loo leeyahay.

Waxa uu sheegay in mas’uuliyijntaas ay lunsadeen qandaraasyo loogu talo galay in lagu dhiso,Xabsiyada Magalooyinka Burco iyo Booramo iyo in Roog lagu dhigo Garoonka Kubadda Cagta Boorame sida uu hadalka u dhigay.

In kastoo uusan sirasmi ah u sheegin Magacyada Wasiirada hadana waxa ay ka mid ahaayeen xukuumaddii Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo),hayeeshee uu sheegay in ay weli baaritaanka sii wadi doonaan

Dhinaca kale mas’uuliyiinta la eedeeyey ayaa iyana dhankooda waxa ay sheegeen in guddigu uusan la soo xiriirin,isla markaana waxba ka weeydiin arrintaas balse uu iska eedeeyey.

Arrintaan ayaa ku soo aadeysa xilli dowladda Feseraalka Soomaaliya dhankeeda maahaan ay mas’uuliyiin u xir xirtay eedeun la xiriirta musuq maasuq.

Like it? Share it!

Leave A Response