Manchester United Oo Qarka U Saaran Inay Chelsea Ku Garaacdo Weeraryahanka Uu Frank Lampard Tixgeliyo Ee Moussa Dembele

by admin | Saturday, May 2, 2020 | 790 views

Weeraryahanka reer France iyo kooxda Lyon ee Moussa Dembele ayaa la sheegay inuu si degdeg ah u aqbalayo dalab uga yimaadda Manchester United xagaagan, xilli uu sidoo kale raadinayo tababare Frank Lampard oo bishii January isku dayay inuu lasoo saxeexdo.

Moussa Dembele oo 27 kulan oo horyaalka Ligue 1 ah oo uu u saftay Lyon u dhaliyey 16 gool, ayaa waxa la sheegay inuu doonayo inuu ka tago kooxdaas oo waliba uu ku riixo inay dhegaysato dalabyada ugu imanaya kooxaha xiisaynaya ee Ingiriiska ah.

Laacibkan ayaa doonaya inuu ka ciyaaro tartanka Champions League xili ciyaareedka dambe, balse markii la kansalay horyaalka Ligue 1 ayay rajadaasi baaba’day iyadoo aanu naadigiisu ka mid ahayn afarta ugu sarreeya.

Chelsea oo uu hormood u ahaa Frank Lampard ayaa bishii January ku dhowaatay inay ciyaartoygan la saxeexato, laakiin Manchester United oo markaana loollanka kula jirtay ayaa hadda heshay arrin ay ku xaqiiqsan karto in saxeexa laacibkan ay ku garaacayaan Blues.

Wargeyska Manchester Evening News ayaa saaka qoray in 23 jirkan uu albaabada u furay Man United oo uu doonayo inuu xidho funaanadda Red Devils oo raadinaysa weeraryahan u beddela Romelu Lukaku oo ay xagaagii ka iibiyeen Inter Milan, kaas oo beddelkiisa ay amaah ugu soo qaateen Odion Ighalo oo heshiiskiisa amaahdu uu ku egyahay dhamaadka bishan.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer oo ka walaacsan dhaawaca Marcus Rashford, ayaa qirsan inuu u baahan yahay weeraryahan usoo labeeya Rashford oo ay iska garab ciyaari karaan amaba beddel u noqda haddii uu dhaawacmo, halka Martial uu ku wacan yahay garab oo weerarka tooska ah lagaga fiican yahay.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Like it? Share it!

Leave A Response