Mareykanka iyo Taliban oo gaaray heshiis xabbad-joojin ah

by admin | Saturday, Feb 15, 2020 | 926 views

Mareykanka ayaa heshiis xabbad-joojin hal toddobaad ah la gaaray ururka Taliban, taasi oo waddada u xaareysa in ciidanka Mareykanka ay ka baxaan dalka Afghanistan.

Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa xaqiijiyey heshiiskan toddobada maalin ah ee dhigaya in kooxda Taliban ay yareyso rabshadaha.

Sarkaalka ayaa sheegay in heshiiskan oo dhawaan dhaqan-geli doona uu quseeyo guud ahaan dalka Afghanistan oo ay ku jiraan ciidamada dowlda dalkaasi.

Heshiiska ayaa waxaa qeyb ka ah in ciidamada Mareykanka ee jooga Afghanistan ay kor kala socon doonaan dhaqangalka heshiiska si loo hubiyo in Taliban ay heshiiska jebisay ama ixtiraamtay.

 

Like it? Share it!

Leave A Response