Mareykanka oo Ciidamo kasoo saaraya laba kamid ah dalalka Carbeed

by admin | Wednesday, Nov 18, 2020 | 406 views

Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka ee Pentagon-ka ayaa shaaca ka qaaday in iyada oo la tixraacayo amarka madaxweyne Trump, todobaadyada soo socda dalalka Ciraaq iyo Afghanstan laga soo saari doono qaar ka mid ah ciidamada Mareykanka.

Saraakiishu waxay sheegn in dalka Afhanstan laga soo saari doono ilaa laba kun oo oo askari oo ka mid ah ciidanka millatariga Mraykanka, halka dalka Ciraaq laga soo celi doono shan boqol oo kale oo ka mid ah ciidanka qalabka sida ee Mareykanka.

Wasaaradda Difaaca Maraykanka ayaa sheegtay in amarka madaxweynaha la fulin doono inta ka horaysa munaasabadda dhaarinta madaxweynaha cusub oo qabsoomi doonta horaanta sanadka cusub ee 2021.

Sii hayayaha xilka Xogahayaha Gaashaandhigga ee Maraykaka ayaa shaaciyay, in qorshuhu yahay in 15-ka bisha Janaury ee sanadka cusub ay noqoto tirada ciidamada Maraykanka ah ee ku suganaan doonaCiraaq iyo Afghaqnistan min laba kun iyo shan boqol oo askari

Like it? Share it!

Leave A Response