Mareykanka oo duqeyn kaga jawaabay weerarkii Balli-Doogle{AKHRISO}

by admin | Tuesday, Oct 1, 2019 | 581 views

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaarada Afrika ee loo yaqaano (Africom) ayaa ka hadlay weerarkii qaraxyada ku bilaawday ee Al-Shabaab ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Mareykanka & kuwa Dowladda ee Balli-Doogle Gobolka Shabeellaha Hoose.

Qoraal kasoo baxay Africom ayaa lagu sheegay in Ciidamada Dowladda Somaalia iyo kuwa Mareykanka ay jawaab culus ka bixiyeen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab,isla markaana ay fuliyeen laba duqeyn oo dhinaca cirka ah ayna ku bur buriyeen laba Gaari.

Sidoo kale Mareykanka waxaa uu sheegay in duquyntaas ay ku dileen 10 Xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab,hayeeshee aysan faah faahin intaasi ka dheer aysan bixin.

Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee howlgallada u qaabilsan Qaarada Afrika William Gayler ayaa sheegay in weerarkii ay soo qaadeen Shabaab uu fashilmay ay hadana cadeyn u tahay halista ay Shabaab ku hayaan Mareykanka iyo Saaxiibadooda, balse taasi aysan hakin doonin dagaalka ay kula jiraan waxa loogu yeero Argagaxisada.

Ugu dambeyn Qoraalka Africom ayaa lagu sheegay in dad rayid ah aysan khasaaro kasoo gaarin duqeynta iyo weerarkii Al-Shabaab ee Balli-Doogle.

Al-Shabaab ayaa dhankooda war ay soo saareen ayaa waxaa ay ku sheegeen in weerarkaas ku dileen in ka badan 100 Askari halka Saraakiisha ciidamada Dowladda dhankooda ay sheegeen inay dileen dhamaan Xubnihii soo weeraray ee Al-Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response