MAREYKANKA OO FAAH FAAHIYAY DUQEYNTII AY KA GEYSTEEN MUDUG

by admin | Wednesday, Oct 17, 2018 | 824 views

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in xubno badan oo ka mid ah AL-shabaab ay ku dileen duqeyn ka dhacday duleedka Degmada Xarradheere ee Gobolka Mudug.

Qoraal ka soo baxay Mareykanka ayuu ku sheegay in Ciidamada Al-shabab ay isugu tageen xero ciidan halkaas oo ay doonayeen in ay kaga ruqaansadaan dhinaca Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe si ay ula dagaallamaan kooxaha la baxay Macaawisleyda ee dagaalka kula jira AL-shabaab.

Sarkaal ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo magaciisa qariyay ayaa u sheegay VOA qeybteeda Ingiriiska in weerarkaas lagu dilay 117 qof oo ka mid ah Al-shabaab.

Weerarka ayaa ka dhacay tuulada Jowle oo 20km u jirta Xarradheere,waxaana uu dhacay 12kii Bishan sida ku xusan qoraalka ka soo baxay Mareykanka.

Al-shabab ayaa 1dii Bishan duleedka degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeellaha dhexe ku dilay Hibaad Cali Dasar iyo ku xigeenkiisii kuwaas oo ahaa hoggaamiyayaasha kooxda la baxday Macaawisleyda ee dagaalka kula jira Al-shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response