Mareykanka oo faah faahiyey duqeyn uu ka fuliyey G/Shabeellaha Hoose

by admin | Tuesday, May 7, 2019 | 664 views

War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaarada Afrika ee loo yaqaano (Africom) ayaa lagu faah faahiyey duqeyn dhinaca cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyey deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Qoraalka Africom ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibadooda Soomaaliya ay 5-tii  Bishaan duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen deegaanka Tooratoorow oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose,isla markaana ay la beegsadeen saldhigyo ay lahaayeen Shabaab.

Duqeyntaas dhinaca cirka ah waa mid aan ku taageereeyno dowladda Soomaaliya,si ay ula dagaalanto Al-Shabaab,isla markaana ay u wiiqanto awoodooda,waxaana ku dilnay saddex ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab ayuu yiri Agaasimaha dhinaca Ammaanka u qaabilsan Afrikom Qaarada  Afrika Maj. Gen. Gregg Olson.

Sidoo kale Mareykanka ayaa sheegay inay baarayaan in duqeyntaas ay wax ku noqdeen iyo in kale dad rayid ah,isla markaana qiimeyn ay ku sameynayaan khasaaraha guud ee ka dhashay,waxaana uu sheegay in ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa sanadkaan 2019 waxa uu kordhiyey weerarada dhinaca cirka ah uu ka fuliyo Soomaaliya, waxaana 26-kii Bishii la soo dhaafay ay Apriil uu duqeyn la beegsaday saldhigyo Daacish-ta Soomaaliya ay ku leedahay Buuraha Golis ee Gobolka Bari Puntland.

Like it? Share it!

Leave A Response