Mareykanka oo faah faahiyey duqeyn uu ka fuliyey Shabeellaha Hoose

by admin | Monday, May 18, 2020 | 485 views

War-saxaafadeed ka soo baxay taliska Ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM) ayaa lagu faah faahiyey duqeyn dhinaca cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyey degaan ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Qoraalka Africom ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibadooda Soomaaliya ay 17/5/2019 duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen meel u dhow deegaanka Kuunya-Barrow,isla markaana ay la beegsadeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Weerarkaas ayaa Mareykanka waxa uu sheegay inay ku dileen laba Xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab,sidoo kalena ay ku taageerayeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee dagaalka kula jira Ururka Al-Shabaab,sida uu sheegay kuxigeenka Madaxa howlgallada Ciidamada Mareykanka ee Africa Gen. William Gayler.

Sidoo kale Mareykanka ayaa sheegay in duqeyntaas qiimeyn ay sameeyeen lago ogaaday in aysan wax ku noqon dad rayid ah,hayeeshee Al-Shabaab war kasoo baxay ayaa waxa lagu sheegay in duqeyntaas ay ku dhaawacmeen lix ruux oo hal qoys ka wada tirsan.

Mareykanka ayaa sanadkaan 2020 waxa uu kordhiyey weerarada dhinaca cirka ah uu ka fuliyo Soomaaliya,isla markaana uu la beegsanayo Xarumaha Al-Shabaab iyo Daacish-ta ka Soomaaliya ee ka howlgasha deegaannada Puntland.

 

Like it? Share it!

Leave A Response