Mareykanka oo faahfaahiyay duqeyn ka dhacday Shabeellaha Hoose

by admin | Wednesday, Feb 6, 2019 | 851 views

War kasoo baxay taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika  ayaa lagu faah faahiyay howlgal ka dhan Alshabaab,kaasi oo ka dhacay 5-dii bishan  Koonfurta Soomaaliya, waxaana mareykanka uu sheegay in uu Shabaab gaarsiiyay Khasaare.

Warka ayaa lagu sheegay in Ciidamada oo kaashanaya kuwa Mareykanka ay bartilmaameedsadeen degaanka Leego ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Taliska Mareykanka ayaa sheegay in howlgalka intii uu socday ay ka qeyb qaateen diyaaradaha aan duuliyaha la heyn ee Mareykanka, islamarkaana lagu burburiyay Gaadiid iyo goobo muhiim ah oo ay lahaayeen Al-Shabaab.

“Dowladda Mareykanka  waxaa ka go’an sii wadista beegsiga Al-Shabaab si ay uga hor tagaan dhibaatooyinka ay shacabka ku hayaan,iyadoo sidoo kale mar walba la xaqiijinayo in aan khasaare dhimasho iyo dhaawacba soo gaarin dadka rayidka ah” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay taliska Mareykanka.

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa muddooyinkii dambe waxa ay kordhiyeen duqeymaha ay la beegsanayaan saldhigyada Shabaab ay ku leeyihiin Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response