Mareykanka oo liiska argagixisada ku daray saraakiil ka tirsan Al-Shabaab

by admin | Wednesday, Nov 18, 2020 | 390 views

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa liiska waxa loogu yeero argagixisada la baadigoobayo ku dartay laba sarkaal oo ka tirsan Ururka  Al-Shabaab ee ka dagaalama dalka Soomaaliya.

Labadan qof ayaa lagu kala magacaaba Cabdullaahi Cusmaan Maxamed iyo Maalim Ayman, kuwaasoo hadda ka tirsan saraakiisha sare ee ururka Al-Shabaab.

War-saxaafadeed ka soo baxay Waaxda Arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa lagu sheegay, in Cabdulaahi Cismaan oo loo yaqaanno Injineer Ismaaciil uu yahay khabiir Al Shabaab u qaabilsan samaynta waxayaabaha qarxa isaga oo maamula howlaha samaynta iyo fulinta qaraxyada ay guud ahaan Shabaab fuliyaan.

Sidoo kale ninkan ayaa ah madaxa warbaahinta ururka ee Al Kataayib, isaga oo lataliye u ah ninka ku magacaaban amiirka Shabaabka.

Ninka labaad ee liiska aragagaxisda la baadigoobayo lagu daray ayaa ah Macalim Ayman. Sarkaalkan ayaa ah madaxa waxa lagu magacaabo Jaysh Ayman oo u qaabilsan shabaabka in ay fuliyaan weerrarada Somalia iyo Kenya.

Warbixinta ayaa sheegeysa in Macallim Ayman uu ahaa ninkii masuulka ka ahaa weeerarkii bishi Janauary ee 2020-ka lala beegsaday xerada Camp Simba ee dalka Kenya, halkaas oo lagu dilay askari Maraykan ah iyo laba qandraasle oo iyaguna u dhashay Maraykanka.

Like it? Share it!

Leave A Response