Mareykanka Oo Shaaciyay Tirada Dagaalyahannada Al Shabaab

by admin | Wednesday, Apr 25, 2018 | 1018 views

Taliska howlgalka Mareykanka ee Africom ayaa sheegay in dhaq dhaqaaqa Al Shabaab ay weli leeyihiin awood xoogan oo qatar ku ah ammaanka dalalka gobolka.

Taliyaha Howlgalka gaarka ah ee Mareykanka Maj. Gen. Marcus Hicks oo Wareysi gaar ah siinayay Tv-ga CNN ayaa sheegay in tirada dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab ee ka dagaalamaya Soomaaliya ay garayaan 4000 illaa 6000 oo dagaalyahan, kuwaasi oo dagaal xoogan kula jira Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM.

Mr Hicks ayaa xusay in Al Shabaab ay tahay laanta ugu weyn ee Al-Qaacida uga daalanta Qaaradda Africa, islamarkaana ay yihiin awood is heysata oo leh nidaam iyo kala dambeyn qaabeysan.

Diyaaradaha Mareykanka ayaa maalmihii dambe kordhiyay duqeymaha ay la beegsadaan Al Shabaab, tan iyo markii talada dalkaasi uu la wareegay Madaxweyne Trump.

Like it? Share it!

Leave A Response