Mareykanka oo sheegay in uu duqeyn ku diley Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab

by admin | Tuesday, Apr 7, 2020 | 451 views

Dawlada Maraykanka ayaa sheegtay in duqayn ay 2-dii bishan April ka gaysteen degaanka Bush Madina ee Gobolka Bay lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab.

Maraykanku waxa uu war saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in duqayntaas lagu dilay ninka lagu magacaabo Yuusuf Jiis.

Maraykanka ayaa ninkaas ku tilmaamay inuu ka mid ahaa aasaasyaasha Shabaab, isla markaana uu ahaa Nin dad badan dhibaato u geystey sida lagu sheegay warka Taliska mareykanka ee Afrika.
“Shaqsigan wuxuu ahaa hogaamiye muhiim ah u ahaa Al-Shabaab. Wuxuu ahaa nin rabsho badan,kana mas’uul ah dhimashada dad badan oo aan waxba galabsan. Dilkiisa wuxuu Soomaaliya iyo dalalka deriska ah ka dhigayaa kuwa sidii hore ka amni roon,” waxaa sidaas yiri taliyaha AFRICOM Gen. Stephen Townsend.
Bayaan hore oo sabtidii kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in weerarka agagaarka tuulada Bush Madina ee gobolka Baay lagu dilay 5 Shabaab ah, iyadoo aysan wax khasaaro ah kasoo gaarin dadka rayidka ah.

Like it? Share it!

Leave A Response