Mareykanka oo sheegay in uu ka baxayo heshiiskii niyukleerka ee Ruushka

by admin | Sunday, Oct 21, 2018 | 806 views

Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay dhawaan isgaa bixi doonto heshiis dhanka niyukleerka ah oo ay horay ula galeen dowladda Ruushka.
Madaxwayne Trump oo la hadlayay weriyayaasha ayaa sheegay in Ruushka uu”jabiyay” heshiiskii 1987 ee dhanka niyukleerka. Heshiikaasi ayaa mamnuucayay gantaaladda ridada dhexe ee gaari kara ilaa iyo masaafo dhan 500 ilaa 5,500 oo kilomitir.
Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay in aysan aqbali doonin in Ruushka uu hub sameysto, iyagana laga hor istaago. Madaxwayne Trump ayaa ku dhaliilay madaxwaynihii ka horeeyay ee Barack Obama in arrinta uusan wax ka qabanin xilligii uu talada hayay.
Ruushka iyo Mareykanka oo ka wada hadlay xarummo Ruushku lahaa oo xiran
Madaxweyne Obama oo u digay Ruushka
“Ma garanayo sababta uu madaxwayne Barack Obama uusan wadaxaajood uga galin heshiiskan ama uusan uga
Madaxwayne Trump oo la hadlayay wariyayaasha aya sheegay in Ruushka uu”jabiyay” heshiiskii 1987 ee dhanka niyukleerka.
Sanaddkii 2014 ayaa madaxwayne Obama waxaa uu Ruushka ku eedeeyay in ay jabiyeen heshiikii dhanka niyukleerka iyo samaysashada gantaalada ridada dhexe. Ila wareedyo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa sheegaya in tallaabada Mareykanka ay tahay mid ay dhiirigalisay “riyada Mareykanka ee ah in adduunka isaga oo keliya uu ka taliyo”.
Mareykanka ayaa ku adkeystay in dowladda Ruushka ay jabisay heshiika, islamarkana ay hormarisay gantaaladeeda riddada dhexe ee lagu magacaabo Novator 9M729 ,taasi na ay u sahleyso in uu xilli walba weerari karo wadamada gaashaanbuurta NATO.
Ruushka ayaan wax faafaahin ah ka bixin gantaalada cusub oo aan ka aheyn in ay beeniyaan inay ka baxeen heshiiskii ay la galeen Ruushka.

Like it? Share it!

Leave A Response