Mareykanka oo Soomaaliya Safaarad ka furanaayo

by admin | Saturday, Nov 17, 2018 | 792 views

Xiriirka Mareykanka iyo Soomaaliya ayaa ahaa mid liita maadama wax qunsuliyad ah ama Safaarad ah uusan Mareykanka ku laheyn gudaha Soomaaliya laga soo bilaawo bilaawgii burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya ee uu hogaaminaayay Maxamed Siyaad Barre.

Bales iminka wax ay u muuqataa in Mareykanku uu daneenayo in uu Soomaaliya ka dhisto dhismo ay qorsheynayaan in ay Safaarad iyo Qunsiliyad ahaan u isticmaalaan sida uu sheegay Safiirka Mareynka Soomaaliya ugu magacaaban balse fadhigiisu uu yahay dalka deriska ah ee Kenya.

Maanta oo sabti ah ayaa waxaa la qorsheynayaa in Safiirka Mareynkanka ee Soomaaliya Donald Yamamamto oo todobaadkii tagay dhamaadkiisa  soo gaaray Magaalada Muqdisho in uu dhagax dhigo dhismaha ay Mareykanka u isticmaali doonaan Safaarad ahaanta ee gudaha Soomaaliya ku yeelan doonaan waxaana laga dhisi dooonaa xeendaabka Xalane oo ay Mareykanku u arkaan in meesha kaliya ee Muqdisho ku taal ee ku nabad geli karaan ay tahay.

Mareykanku Soomaaliya kuma laheyn wax Safaarad ah ama Qunsiliyad ah ilaamaa burburkii Dowladii dhexe ee Soomaaliya inkastoo Safiirka Mareykanka ugu magacaaban Soomaaliya uu fariisan jiray Dalka Kenya hadase waxay u muuqataa in Mareykanka ay ka go’antahay higelinta Safaarad ay Soomaaliya ku yeeshaan.

Like it? Share it!

Leave A Response