Mareykanka & Ruushka oo isu bira-tumanaya!

by admin | Wednesday, Mar 15, 2023 | 275 views

Dowladaha Mareykanka & Ruushka oo uu ka dhaxeeya Xifaaltan dhanka Militariga ah isla markaana dagaalkooda siyaasadeed Bishimaha aanay dhaafsiisneen ayaa haatan u muuqda in ay labada dhinac si toos ah isu wajihi karaan.

Mareykanka ayaa Ruushka ku eedeeyay in uu ka burburiyay Diyaarad nooca duulliye la’aanta ah (Drones) ee wax basaasa oo dulmareysay Badda Madow balse Moscow ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamtay eedeyntaas uga timid Washington.

Sarkaal katirsan Dowladda Mareykanka ayaa sheegay in laba Diyaarad oo noocoodu yahay SU-27 oo uu leeyahay Ruushka ay beegsadeen Diyaaradda Duulliye la’aanta Mareykanka ee Dnone-ta ah kuna burburiyeen goobta ay ku weerareen.

Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka ayaa beenisay hadalka Mareykanka waxa ayna ku sifeysay ‘Daan-daansi siyaasadeed’ oo Xukuumadda Washington tikidka ugu jaraneyso ku biirista dagaalka tooska ah.

Labada Dowlad ee Isu bira-tumanaya waxaa sii xooggeystay daan-daansiga uu dhanba dhanka kale ku sameynayo kaddib markii Mareykanka uu kordhiyay joogitaankiisa Dhulka Ukraine & deegaannada kale ay isku heystaan Moscow iyo Kyiv.

Mareykanka ayaa Ukraine u ballanqaaday in uu ka difaaci doonno dagaal Ruushka uga yimaada kahor 24kii Febaraayo 2022 oo Moscow ku dhiiratay duullaan ay ku qaadday dhul badan oo Ukraine ah balse Washington ayaa cambaareyn iyo hub bixin kusoo koobmatay.

Like it? Share it!

Leave A Response