Markabkii Musiibada ku noqday Lubnaan ee Kiimikada qaraxday Waday Qaabka uu Dekaddaasi ku gaaray!{sawiro}

by admin | Saturday, Aug 8, 2020 | 593 views

Dowladda Lubnaan ayaa sheegtay in qaraxii weynaa ee burburiyay qaybo kamid ah caasimadda Bayruut uu ka dhashay 2,750 tan oo ah maadada ammonium nitrate ku keydsaneed Marsada Magaaladaas tan iyo 2014-kii.

Lubnaan waxa ay kiimikadaas ku noqotay Musiibo saameysay Dadka Caasimadda, kadib markii qaraxa ka dhashay waxyeelo gaarsiisay Dhimashada 154-ruux oo saacad waliba intaas ka bdan kara, Dhaawaca dad kor u dhaafaya 6-Kun iyo Khasaare Maaliyadeed oo burburka Dhismaha iyo Gawaarida u badan, marka laga tago Dekedda iyo xarumo Dowladeed.

Dowladdu waxa ay sheegtay in ay dhibaatada soo gaartay aysan dabooli Karin, sidaas awgeed gacan ay ka dooneyso dalalka Caalamka, walaalaha iyo Saaxiibada Lubnaan si looga gudbo Xaaladda cakiran.

Shacabka ayaa ka carooday in maadadaas khatarta ah muddo ka badan 6-sano ku jirtay Bakhaar aan looga dabatagin si loo ogaado xogta xaaladda ay ku sugan tahay, si looga hortago qarax ay sameyso oo aysan u galaafan dad iyo duunyo.

Dowladdu ma aysan magacaabin halka ay ka timid maadadaasi, balse isla ammonium nitrate xajmigaasi la eg ayaa bishii November 2013 waxaa Bayruut geeyay markab sita calanka Moldova, laguna magacaabo MV Rhosus.

Markabka oo laga leeyahay Ruushka ayaa September 2013-kii ka shareecday Dekadda Batumi ee dalka Georgia, waxaana uu ku socday Magaalada Beira Gobolka Baaxadda weyn ee Sofala Dalka Mozambique oo dhaca Bariga Afrika.

Xilli uu marayay bariga badda Mediterranean ayaa markabka Rhosus waxaa ku timid cillad waxaana uu ku khasbanaaday in uu ku xirto Dekadda Bayruut, sida lagu sheegay warbixin 2015 lagu daabacay wargeyska Shippingarrested.com oo ay qoreen qareenno Lubnaan u dhashay oo metalayay shaqaalaha markabka.

Hawlwadeennada Dekaddaasi ayaa baaray markabka, waxaana laga mamnuucay in uu safro sida uu sheegay qareenka, Sababtu waa cabsida laga qabay oo halis weyn laga muujinayay in uu qarxo.

Inta badan shaqaalaha markabka ayaa dib loogu celiyay dalalkooda marka laga reebo kabtan Boris Prokoshev oo Ruush ah iyo saddex badmaax oo kale oo la sheegay in ay U dhasheen Dalka dariska la ah ee Ukraine.

Mr Prokoshev ayaa Jimcihii BBC-da u sheegay in markabka Rhosus uu ku hakaday Bayruut, maadaama milkiilayaashiisa ay soo wajahday lacag la’aan, waxa uu intaas ku daray in lagu wargeliyay in markabka uu shixnad dheeraad ah oo qalabka culus ah qaadayo si uu u helo kharash uu uga gudbo marinka Suez.

Sida Ilo xog ogaal ah ay Warbaahinta u sheegeen, Markabka waa uu awoodi waayay in uu qaado qalabka dheeraad ah ah ee raritaankooda lagu siin lahaa lacagta wado marka ay ku iibsanayaan.

Lubnaan ayaa go’aansatay in ay Markabka uu baaqi kusii ahaado Marsada ilaa inta ay wado mar ka helayaan Bad-maaxiinta saaran ama lagu rarayo qalab fudud oo ay sii qaadayaan si lacagta xamuulka ay cunno ugu badashaan.

Captain astonished that his ship delivered Beirut explosive

Markii waday Ammonium Nitrate ee lagu magacaabo MV Rhosus ayaa lagu xannibay Dekedda Magaalada Bayruut oo uu taagnaa waqti dheer, ugu dambeyn halkaas ayuu ku basbeelay kadib markii dab uu qabsaday, qarax xooggan-na uu sameeyay.

Shaqaalaha markabka ayaa xilligaasi wajahay waqti adag oo waxaa gabaabsi ka ahaa cunnada iyo saadka kale, Qareennada ayaa sheegay in arintaan ay u gudbiyeen xaakimka xaaladaha degdega ah ee Bayruut, kaas oo ugu dambeyn 2014 oggolaaday in shaqaalaha markabka laga dejiyo dalalkoodana loo celiyo. Shaqaalaha Dekadda ayaa shixnadda markabka ee Ammonium nitrate u wareejiyay (makhaasiin 12) oo ku dhagan kan haruurka lagu keydiyo. Qareennada ayaa sheegay in shixnaddaasi ay sugaysay in (la xaraasho ama sida ku habboon loo asturo) si Dowladdu ay uga hesho lacagta Canshuurta ee Markabka iyo Badeecada uu waday laga doonayay.

Like it? Share it!

Leave A Response