Markii Hore Zinedine Zidane, Haddana Guti Oo Dhibaato Ka Abuuraya Real Madrid Isaga Oo Iska Casilaya Shaqadii Tababaranimo Ee Real Madrid B

by admin | Monday, Jun 4, 2018 | 1434 views

Real Madrid ayaa mushkilad kale oo cusub cagaha la gashay, kaddib markii la ogaaday in tababaraha kooxda da’yarta Real Madrid ee heerka labaad Castilla uu go’aansaday inuu iskaga tago afar maalmood kaddib markii uu Zinedine Zidane ka dhaqaajiyey kooxda kowaad ee Real Madrid.Cuti ayaa maraya dariiqii Zidane oo kale isaga oo Casilla ka baxaya.

Guti ayaa ka mid ahaa tababareyaasha la filayey inay buuxiyaan booskii uu banneeyey Zinedine Zidane, kaas oo dadka loo saadaalinayo ay ka mid yihiin Pochettino, Klopp iyo Wenger. Laakiin waxay u muuqataa in markale aanu Perez doonayn in uu qaato go’aankii uu Zidane kaga soo dalacsiiyay kooxda da’yarta Casilla ee uu kooxda kowaad ugu aaminay.

Telefishanka Sky Sports ayaa waxa uu sheegay inuu ogaaday in Guti oo magaciisa oo dhamaystiran uu yahay Jose Maria Gutierrez Hernandez uu go’aanka iscasilaaddiisa u gudbin doono madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez, kaddibna uu ku biiri doono liiska macallimiinta u tartamaysa shaqo ka bannaanaatay kooxda St Mirren ee Scotland oo tababaraheedii ka tegay.

Guti ayaa isku daray liiska tababareyaasha imtixaanka waraysiga ah gelaya, ka hor inta aanay maamulka naadigaasi ku dhowaaqin ninka noqonaya macallinkooda hoggaamin doona xili ciyaareedka dambe.

Guti oo ay da’diisu tahay 41 jir, ayaa Real Madrid u ciyaaray in ka badan toban sannadood ka hor intii aanu u wareegin naadiga besiktas ee ka dhisan Turkey, taas oo uu kasoo laabtay sannadkii 2013 oo uu si rasmi ah u noqday macallinka kooxda da’yarta Real Madrid.

Kooxda uu Guti doonayo ee St Mirren ayaa dedaal ugu jirta inay hesho macallinkii beddeli lahaa Jack Ross oo ay ka afduubatay Sunderland, waxaana la filayaa inay shaaciso toddobaadka dambe ninka ay u xusheen macallinkooda.
Sky Sports News waxa kale oo uu ogaaday in tababarihii hore ee kooxda Hearts, Robbie Neilson iyo Jim McIntyre oo hore usoo layliyey Ross County ay wada-xaajood kula jirto St Mirren.Si kastaba ha ahaatee, warka ku saabsan Guti ayaa madax-xanuun kale ku ridaya maamulka Real Madrid

Like it? Share it!

Leave A Response