Masar oo ka hadashay Fashilka Shirkii Biyo-xireenka GERD ee la soo gebagebeeyey

by admin | Tuesday, Apr 6, 2021 | 324 views

War qoraal oo goor dhow ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Masar ayaa lagu shaaciyey inaysan wax natiijo ah ka soo bixin Shirkii lagu qabtay Caasimadda dalka Kongada Dimuqraadiga (DRC) ee Kinshasa.

Bayaanka waxaa kaloo lagu sheegay in Kulankii looga hadlay Muranka Biyo-xireenka Ethiopia ee GERD ee ay ka qeyb galeen Wafuud Heer Wasiir oo ka kala socotay dalalka Masar, Sudan iyo Ethiopia aan wax Horumar ah laga gaarin xalinta Khilaafkaasi.

Sidoo kale, Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Masar waxay kaloo tilmaamtay inuusan Shirkii Kinshasa soo gebagebeynin Dib-u-bilaabista Wada-hadalkaasi.

Muranka Biyo-xireenka GERD ee u dhexeeya Masar, Sudan iyo Ethiopia waxa uu soo jiitamayey in ka badan 9 sano, mana muuqdaan Ifafaalo Xal Diplomaasiyadeed oo Heshiis loo dhan lagu gaari karo.

Like it? Share it!

Leave A Response