Masiixiyiin Mareykan ah oo lagu afduubtay dalka Haiti

by admin | Sunday, Oct 17, 2021 | 380 views

Ugu yaraan 17 qof oo Masiixiyiin Mareykan ah iyo qoysaskooda oo ay ku jiraan carruur ayaa Sabtidii laga afduubtay caasimadda waddanka Haiti ee Port-au-Prince, kaddib markii ay burcad hubeysan ay soo weerartay gaari bas ah oo la socdeen, sida ay werisay jariidadda The New York Times.

Afduubka ayaa dhacay markii dadkan oo halkaas u joogay faafinta diinta Masiixiga ay ka soo baxeen xarun agoon oo ku taal waddanka Haiti oo ay dhibaatadu ka jirto.

The New York Times oo soo xiganeysay masuuliyiinta deegaanka iyo saraakiisha amniga ayaa intaas ku dartay in dadkan la qafaashay iyaga oo saaran bas ku sii jeeday garoonka diyaaradaha oo ay ka duuli lahaayeen qeyb iyaga ka mid ah.

Jennifer Viau, oo ah afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ee magaalada Washington, ayaa farriin email ah ku sheegtay “inay la socdaan arrintan.”

Safaaradda Mareykanka ee Haiti kama aysan jawaabin codsi la xiriira warbixinta afduubkan, iyada oo afhayeen u hadlay booliiska Haiti ayaa sheegay inay raadinayaan macluumaad ku saabsan afduubkan.

Warbixintu ma bixin faahfaahin ku saabsan dadkan faafinayay dhaqamada masiixiga iyo kaniisadda ay ka tirsanyihiin.

Rabshadaha burcadda oo sii kordhay ayaa barakiciyay kumanaan qof, waxayna caqabad ku noqdeen dhaqaalihii waddanka ugu saboolsan Ameerika, waxaana rabshadahan biloowdeen kadib dilkii Madaxweyne Jovenel Moise ee bishii July iyo dhulgariirkii bishii August kaas oo ay ku dhinteen in ka badan 2,000 oo qof.

Like it? Share it!

Leave A Response