Masuq maasuq hareeyay Aqalka sare & shaqaalo mushaarkooda la lunsaday

by admin | Monday, Apr 16, 2018 | 949 views

Warar hoose  ayaa sheegaya in masuq maasuq aad u xooggan uu hareeyay xarunta Golaha sare,islamarkaana lacagihii loogu talagalay shaqaalaha shaqsiyaad gaar ah ay kala qeybsadaan.
Mid ka mid ah shaqaalaha Golaha Aqalka sare oo magaciisa diiday inaan adeegsano sababo amni dartood ayaa inoo sheegay in bilihii la soo dhaafay shaqsiyaad gaar ah ay lunsanayeen mushaarka xaqa ay u leeyihiin iyo lacago yar oo gunooyin ah oo loogu talagalay.

Shaqaalaha qaar ayaa qaati a taagan mas’uuliyiinta qaar oo aan aqoon mas’uuliyadda,islamarkaana keliya yaqaan sida wax loo masuq maasuqo.

Sidoo kale,shaqaalaha ayaa sheegay in xitta marka uu lacaga mushaarkooda uu yahay 700-boqol oo dollar 4-boqol oo ka mid ah laga reebto ,islamarkaana loo sheego in bishan intaasi ku soo aaday,balse qalalaadka jira dib loo sixi doono.
Xafiisyada Dowladda ayaa waxaa hareeyay masuq maasuq baahsan,waxaana Madaxda Dowladda Soomaaliya mar waliba ku cel celiyaan iney la dagaalamayaan masuq maasuqa.

Like it? Share it!

Leave A Response