Mas’uul ka tirsanaa Puntland oo Gaalkacyo lagu toogtay

by admin | Friday, Oct 18, 2019 | 45 views

Koox hubeysan ayaa toogasho ku dishay mas’uul ka tirsan maamulka Puntland, xili uu ku sugnaa Waqooyiga Magalada Gaalkacyo ee Puntland.

Mas’uulkan la dilay ayaa lagu magacaabi jiray  Xassan Cabdille Hiraabe oo katirsanaa Wasaaradda Maaliyada ee gobolka Mudug.

Kooxihii dilka geystay ayaa la sheegay in ay goobta ka baxsadeen, waxaana halkaasi gaaray Ciidamo ka tirsan booliska maamulka Puntland.

Xuseen Cabdille ayaa horey u soo noqday masuul katirsanaa golihii deegaanka ee magaalada Gaalkacyo iyo kuxigeenka Duqa magaalada, waxaana hadda uu ahaa Taliyaha Kastamyada Canshuuraha ee wasaaradda Maaliyada Puntland ee gobolka Mudug.

Like it? Share it!

Leave A Response