Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Hir-Shabeelle oo xilka laga qaaday{Akhriso}

by admin | Monday, Sep 30, 2019 | 904 views

Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa waxaa uu xilalkii ka qaaday Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan, isaga oo Magacaabay mas’uuliyiin kale.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiir Caadle ayaa waxaa xilkii looga qaaday Guddoomiye kuxigeenka Amniga Gobolka Hiiraan Khaalid Bashiir Macalin halka xilkaas loo Magacaabay Cali Diiriye,waxaa sidoo kale xilkii laga qaaday Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada Gobolka Hiiraan, iyada oo markale xilkaasi loo Magacaabay Sheekh Cusmaan Xuseen Cali.

Sidoo kale waxaa xilkii laga qaaday Gudoomiyaha Magaalada baladweyne Maxamed Axmed foodcade,waxaana xilkaas loo Magacaabay Cusmaan Dhicisow Dhuubow,halka xilkii laga qaaday gudoomiyihii degmada Maxaas,waxaana guddoomiye Cusub looga dhigay Cabdi Muumin Cilmi.

Hoos Ka Akhriso Wareegtada xilka qaadista iyo Magacaabista.

Like it? Share it!

Leave A Response