Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir oo Isbitaalka ku booqday dadkii ku dhaawacmay weerarka

by admin | Monday, Jan 23, 2023 | 271 views

Guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda gobolka Banaadir ahna ku simaha guddoomiyaha oo uu wehliyo gudoomiye ku xigeenka labaad ee gobolka Banaadir ayaa isbitaalka digfeer ee Magaalada Muqdisho ayaa ku booqday dhawaacyadii dadkii ku wax yeeladu kasoo gaartay weerarkii shalay lagu qaaday xarunta dowlada hoose ee Xamar.

Guddoomiyaasha ayaa mid mid u dul tagay dhaawacyada iyaga oo xaaladooda ka wareystay Allana uga baryay caafimaad taam ah

Shalay ayey aheyd markii xubno ka tirsan ururkq Al-Shabaab ay weerar ku bilowday qarax ku qaadeen xarunta Maamulka ay ku dhaawacmeen ugu dambeyntiina weerarkaas ay ciidamada ammaanku soo afjareen, isla markaana ay toogteen dhammaan raggii weeraray.

Like it? Share it!

Leave A Response