Maxaa hortaagan in si cadaalad ah loo qeybiyo deeqaha la gaarsiiyey baladweyne{warbixin}

by admin | Wednesday, Nov 6, 2019 | 669 views

Dhibaatada fatahaadda webiga Shabeelle ee magaalada Beledweyne ayaa waxay saameyn ku yeelatay nolosha kumanaaan qoys, kuwaasoo barakacay kadib markii fadahaadda webiga harqisay guryahoodii islamarkaana maciin biday inay u hayaanaan duleedyada magaalada iyo gudahaba.

Inkastoo ummadda Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka u fidiyeen gurmad ballaaran dadkaas dhiban ayaa hada waxaa soo baxaya khilaaf xooggan oo u dhaxeeya siyaasiyiinta heer gobol iyo heer federal ee ka soo jeeda G/Hiiraan, kuwaasoo dantooda ugu weyn ay tahay sidii loo afgaran lahaa ama ay wax u musuq-maasuqi lahaayeen wallow ay jiraan shaqsiyaad faro ku tiris ah oo deeqaha lagu aamini karo waaba haddii loo idmado qeybinta kaalmooyinkaas si loo gaarsiiyo bulshada reer Beledweyne oo ay fadahaaddu halakeysay.

Baarintaan ay sameeysay warbaahinta qaar , ayaa waxay ku ogaatay inuu jiro khilaaf sababay inuu hakad ku yimaado qeybinta deeqihii loogu tala galay in la gaarsiiyo bulshada dhibaateysan oo geedaha iyo qoraxda maciinka biday, una baahan in si dedg deg loo gaarsiiyo kaalmooyinka, waxaana si gaar ah farta loo fiiqayaa xubnaha maamulka gobolka qaarkood, kuwaasoo raba inay ka dhistaan xoolaha masaakiinta guryo dabaqyo ah sida horayba loogu bartay maamulladii kuwaan ka horeeyey.

Sidoo kale waxaa jira khilaaf u dhaxeeya Madaxda Hirshabeelle iyo xubno ka tirsan Xildhibaannada Federaalka kuwooda ka soo jeeda Hiiraan, kuwaasoo iyaguna isku haya habkii wax loo qeybin lahaa.

Warar hoose ayaa tibaaxaya in Mudanayaasha ka soo jeeda Hirshabeelle qaarkood ay ku cadaadinayaan Madaxda Hirshabeellea in iyaga la fahmo marka hore, taasna runtii waa ayaan darro haddiiba ay jirto halka Madaxd Hirshabeelle-ne dadaal dheeri ah ugu jiraan sidii qeybtinta deeqaha loogu talo galay dadkaas masakiinta ah loo hoos geyn lahaa.

lacagaha gaaray magaaladas ayaa lagu qeysaday qabiil ahan tas oo mesha ka sartay in la.aamino dadkii loo xilsaray qeybita lacagtas.

Dad badan ayaa shaki ka qaba in la musuq maasuqo gargaarka loogu talagalay dadka ku barakacay fatahaada hasse ahaatee maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in arintan ay ka leeyihin qorshe gaar ah islamarkaana qeybta gargaar ay bar bar socdaan saraakiil ka tirsan xeer ilaalinta iyo maxkamadaha heer dowlad oo shaqadoodu tahay in ay la socdaan sida gargaarka loo maamulayo.

xildhibaano ka tirsan dowlada soomaaliya ayaa ushegay warbaahinta in uu jiro musuq maasuq oo xoogleh .

ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowlada soomaaliya oo ku sabsan xalinta arintan;

 

Like it? Share it!

Leave A Response