Maxaa ka cusub Maanta doorashadda Madaxtinimadda Koonfur Galbeed?

by admin | Wednesday, Nov 14, 2018 | 754 views

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxa ay sheegayaan in ay suurtagal tahay in dib loo dhigo doorashadda Madaxtinimadda maamulka Koonfur Galbeed.

Doorashadda ayaa lagu waday in ay dhacdo 17-ka Bishaan oo ay ka dhiman tahay 3 maalin oo kaliya, waxaana lagu waddaa in Guddiga doorashadda ay maanta shaaciyaan in maalmo lagu daray xilliga ay dhaceyso doorashadda.

Guddiga doorashadda Madaxtinimadda maamulka Koonfur Galbeed ayaa wali waxaa ka taagan tahay buuq fara badan,maadaama aan wali la dhameystirin.

Qaar ka mid ah xildhibaanada Koonfur Galbeed ee ku sugan Baydhabo ayaa Risaala u xaqiijiyay in doorashadda xilligeeda aysan ku dhici doonin oo maalmo lagu dari doono.

Sii hayaha xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa kulan xalay la qaatay qaar ka mid ah xubnaha Guddiga doorashooyinka Maamulka Koonfur Galbeed.

Like it? Share it!

Leave A Response