Maxaa ka jira in Ducaale loo wado madaxweynaha cusub ee maamulka HirShabeelle?{AKHRISO}

by admin | Sunday, May 17, 2020 | 492 views

Waxaa maalmihii tegay aad usoo xoogeysanayey warar sheegaya in wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale la doonayo inuu noqdo madaxweynaha cusub ee maamulka HirShabelle.

Wararkan oo markii hore kasoo billowday baraha bulshada, ayaa xubno ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaare Kheyre waxay noo sheegeen inuu jiro rabitaan sidaas ah, balse ma aysan bixin faah-faahin intaas dheer.

Muddo xileedka madaxweynaha HirShabeelle ayaa ku eg bisha September, waxaana la filayaa in lasoo dhiso maamul cusub.

Ducaale ayaa waxay aad isugu dhow yihiin ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, wuxuuna ka mid yahay wasiiro faro ku tiris ah oo sidii xilkan loogu dhiibay markii lasoo magacaabay golihii wasiirada ee ugu horreeyey aan la beddelin, inkasta oo shaqadiisa aad loo dhaliilay.

Kheyre ayaa intii uu xafiiska joogay waxa uu ku dadaalay dhismaha dowlad gobaleedyada iyo fulinta aragtida madaxweynaha, balse waxaa hadda jirta in Kheyre aysan isku fiicneyn

labadii dowlad gobaleed ee uu juhdiga geliyay ee Koonfur Galbeed iyo Galmudug, oo ku dhow madaxtooyada.

Dadka siyaasadda fallanqeeya ayaa rumeysan in Kheyre ay fursad u noqon karto sidii uu u maareyn lahaa HirShabeellada uu ku han weyn-yahay haddii Ducaale oo ay isku dhowyihiin uu madaxweyne ka dhigo, maadaama Waare ay kala dhaxeyso wada-shaqeyn kaliya ee aanay xulufo ahayn.

Si kastaba, ma cadda sida qorshahan uu ku hir-geli karo, waxaana suurta-gal ah inay dhaliso xiisad maadaama beesha hadda kursiga madaxweynaha ku fadhisa laga yaabo in haddii ay waayaan ay dhinac kale kasoo jeestaan, waxaana dadka qaar ay rumeysan yihiin in xilligan aysan dowladda diyaar u ahayn khilaaf horleh.

Like it? Share it!

Leave A Response