Maxaa ka jira in Khilaaf culus uu ka dhex taagan yahay RW Kheyre iyo MD Farmaajo?

by admin | Tuesday, Apr 3, 2018 | 999 views

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sheegtay in marnaba aysan is khilaafeyn isaga iyo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo,islamarkaana si niyad wanaagsan ah uwada shaqeyn doonaan mudada ay wada joogaan.
Wuxuu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ku guuleysatay iney bixiso mushaarkii Ciidamada iyo shaqaalaha rayidka,taasina ay muujineyso inuu kordhayo dhaqaalaha dalka.
Sidoo kale,Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in isaga iyo madaxweyne Farmaajo ay yihiin saaxiibo dhow,islamarkaana tunta isugu xirtay danta Qaranka si hufana ugu adeegaan Shacabkooda.
Hadalka Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa imaanaya iyadoo Xiisad siyaasadeed oo u dhaxeysa Xildhibaanada Golaha Shacabka ka aloosan tahay dalka.
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa balan qaaday iney si wanaagsan u wada shaqeyn doonaan isaga iyo Ra’iisal wasaaraha uu soo magacaabo,wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay iney si wanaagsan ula shaqeeyaan.

Like it? Share it!

Leave A Response