Maxaa ka jira in Waare uu ku biiray xulufada Saciid Deni iyo AXMED MADOOBE?

by admin | Saturday, Jul 4, 2020 | 408 views

Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa lagu cadaadinayaa inuu aqbalo ka qeybgalka shirka Golaha Amniga Qaranka ee uu ku dhawaaqay Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed oo maalmihii dambe uu khilaaf kala dhaxeeyey madaxweyne Waare isla markaasna la rumeysan yahay inuu taageero ka heysto Dowladda Dhexe ayaa ugu baaqay Waare inuu aqbalo ka qeybgalka Shirkaas uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo.

Sheekh Cusmaan ayaa tilmaamay in Madaxweyne Waare ay u fiican tahay inuu ka qeybgalo shirka Amniga Qaranka kaasi oo waqtigiisu yahay 5 illaa 8 Bishaan July maadaama uu sheegay inuu matalo shacabka ku nool deegaanada uu ka arrimiyo maamulka HirShbelle.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa iftiimiyey in Madaxweyne Waare uu ku xirtay madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo si cad uga hor imaaday shirkaas, wuxuuna ugu baaqay inuu ka laabto mowqifkiisa isla markaasna uu shirka aqbalo.

Wuxuu sheegay Barre in hoggaamiyaasha uu hadda Waare la safan yahay ay hadda ka hor isaga ka duubeen cod waqtigii uu khilaafka kala dhaxeeyey Dowladda Dhexe, wuxuuna uga digay in isna cod laga duubo.

“Madaxweynaha Hir-Shabeelle waxa aan ugu baaqayaa runtii in uu ka qaybgalo shirka uu iclaamiyay Madaxweynaha, isla markaana yimaada Magaalada Magaalada Muqdisho, waxa aan leeyahay yaysan cod kaa duubin dadka aad la socoto, aniga ayay hadda kahor iga duubeen,” sidaasi waxaa yiri Sheekh Cismaan Barre.

Hadalka kasoo yeeray guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle ayaa kusoo aadayo xilli muddooyinkii ugu dambeeyey uu khilaaf xooggan u dhaxeeyey madaxweyne Waare iyo Dowladda Dhexe, taasoo keentay in Dowladda Dhexe ay adeegsato Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Like it? Share it!

Leave A Response