Maxaa ka jira in Wasiir Oomaar la xiray ?

by admin | Saturday, Dec 22, 2018 | 847 views

Iyadoo ay soo baxayeen warar sheegaya in la xiray wasiirka wasaarada Duulista Hawada ee Xukuumaddda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Oomar, ayuu wasiirka ka jawaabay wararkaasi oo ku baahay baraha bulshada.

Waxa uu sheegay wasiir Oomar in ay been abuur yihiin wararka sheegaya in la xiray oo weliba loo xiray arrimo la xiriira musuq maasuq, waxa uuna ku nuux nuuxsaday in dadka baahiyay wararakaasi ay yihiin dad si gaar ah u mucaaradsan xukuumadda uu ka tirsanyahay ama shaqsiyadiisa.

“Wararkaasi ku baahay baraha bulshada ee sheegaya in la ii xiray oo musuq maasuq la ii xiray waa been abuur, shirkada laga hadlaayana waxaan ceyriyay lix bil markaan xafiiska joogay” ayuu sheegay wasiirka wasaarada Duulista Hawada ee Xukuumaddda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Ooomar.

Warka ah in wasiir Oomaar loo xiray musuq maasuq ayaa waxa uu si xoogan ugu baahay baraha bulshada, balse ugu dambeyn wuu ka jwaab celiyay wasiirka

Like it? Share it!

Leave A Response