Maxaa ka run ah in ‘ra’iisul KHEYRE 10 su’aal lagu weydiinayo Washington?

by admin | Tuesday, Apr 9, 2019 | 895 views

Shalay gelinkii dambe ilaa maanta waxaa Soomaalida ay aad baraha bulshada isugu dirayaan maqaal lagu daabacay wargeyska Washington Examiner ee kasoo baxa magaalada Washington ee caasimadda dalka Mareykanka.

Qoraalkan oo cinwaan looga dhigay “10 questions Somalia’s prime minister should answer in Washington”, ayaa waxaa lagu macneeyey sida inuu yahay xaqiiq oo dowladda Mareykanka ay 10 su’aal weydiin doonto ra’iisul wasaare Kheyre oo ku sugan Washington.

Hase yeeshee, xaqiiqda ayaa ah in qoraalkan uu yahay kaliya fikir shaqsi oo soo jeedinaya in ra’iisul wasaare Kheyre su’aalahaas la weydiiyo marka uu la kulmo saraakiisha wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka, oo aanu ahayn xaqiiq.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dowladda Mareykanka ama caddeymo kale oo la heli karo oo muujinaya in Kheyre su’aalahaas lagu weydiin doono Washington.

Yaa qoray qoraalka?

Qoraalkan waxaa qoray nin lagu magacaabo Michael Rubin oo ah xagjir Yahuudi-Mareykan ah, oo aaminsan siyaasadda Midigta Fog. Michael Rubin waxa uu caan ku yahay inuu aad ugu ololeeyo inay Somaliland ka go’do Soomaaliya inteeda kale, dowladda Mareykankana ay aqoonsanto.

Waxa uu aad ula xiriira maamulka Somaliland, islamarkaana u yahay hormuudka iyo ninka ugu caansan ee qadiyadda mamaulkaas u ololeeya.

Ka sokow qadiyadda Somaliland, waxa uu naceyb gaar ah oo aan la aqoon halka uu ka yimid u qabaa Soomaaliya. Waxa uu aad u weeraraa dowladda Soomaaliya, wuxuuna la saftaa cid kasta oo Soomaaliya ay is-qabtaan ayada oo ay ugu dambeysay Kenya.

Haddii aad rabto inaad wax badan ka ogaato Michael Rubin, akhriso faaladdii aan horey uga qornay waxa uu yahay ninkan.

Maxaa ku jira qoraalka Rubin?

Qoraalka Michael Rubin, ayaa waxaa ku jira waxyaabo badan oo xaqiiqda ka fog, wuxuuna u muuqdaa mid ka been abuuraya xaaladda Soomaaliya ama aan wax badan kala socono xaqiiqda dhabta ah ee dalka.

Waxyaabaha qoraalkiisa ku jira waxaa ka mid ah; in Soomaaliya ay xaraashtay xiroomiyin shidaal oo ku yaalla dhul-badeedka Soomaaliya ee Kenya ay shaaganeyso xilli ay dacwad u dhaxeysa labada dal taallo maxkamadda caalamiga ee cadaaladda, taasi oo aan jirin. Been kale oo qoraalkiisa ku jirta waxay tahay, in ciidamada Turkiga ee Soomaaliya ku tababara kuwa Soomaalida ay sidoo kale taageeraan aragagixisada.

Su’aalaha la yaab-ka leh ee uu soo jeedinayao in Kheyre la weydiiyo waxaa ka mid ah, safarada madaxweyne Farmaajo ee dibedda, taasi oo dowladda Mareykanka aan wax shaqo ah ku lahayn iyo saababta Soomaaliya ay heshiis kalluumeysi ula gashay Shiinaha, haddii ay raadineyso taageerada Mareykanka.

Yaa faafinaya qoraalkan?

Qoraalka Michael rubin ee Wargeyska Washington Examiner, waxaad aad u faafinaya laba qolo oo kala ah; koox ku kacsan ra’iisul wasaraaha iyo koox aan fahamsaneyn qoraalka iyo macnihiisa.

Kooxda mucaaradka ku ah ra’iisul wasaare Kheyre ayaa ayaga oo og xaqiiqda qoraalka, islamarkaana fahamsan macnihiisa iyo inuu yahay fikir shaqsi iyo soo jeedin, waxay ka dhigayaan in Kheyre 10 su’aal oo kulul ay ku sugayaan Washington.

Waxay sidan u samaynayaan kaliya ayaga oo danahooda siyaasad uga faa’iideysanaya iyo inay been ka faafiyaan ra’iisul wasaaraha.

Kooxda aan waxba fahamsaneyn waxay u badan yihiin shacab aan luuqadda English-ka aqoon ama wax yar un ka yaqaan oo aan si wanaagsan u fahami karin. Waxay ku kadsoomayaan beenta ay faafinayaan kooxda koowaad ee danaha siyaasadeed leh, waxayna moodaan in ra’iisul wasaraaha 10 su’aal la weydiin doono.

Ugu dambeyntii, xaqiiqda ayaa ah inaysan jirin wax su’aalo ah oo Mareykanka weydiin doono Kheyre oo la ogyahay.

Like it? Share it!

Leave A Response