Maxaa la gudboon Cabdiraxman Cabdishakur?{Faallo:}

by admin | Thursday, Dec 5, 2019 | 555 views

Qof walba oo saameyn ku yeesha bulshada dhexdeeda waxaa waajib ku ah inuu barto nooca dadkiisa iyo inuu mar walba digtoonado. Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuxuu 10 sanno la tacalaya Baddii ayaad iibsatay iyo maya ee waan badbaadiyay. Sababta weli ay dad badan u aamini la’a yihiin waa inuusan xiligeedii si weyn iska difaacin eedaas, oo markii xoolo dhaqatidii xitaa warkii gaaray kadib uu soo baraarugay.

Sheekh Umal wuxuu 5 sanno ka badan la tacalaya Nabiga (NNKH) ayaad af-lagaadeysay ee towbad-keen iyo maya ee waa Xadiis. Dad badan ayaa weli u arka nin gef ku dhacay. Sababta loo aamini la’a yahay waa inaan xiligeedii xal loo raadin arrintaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa suuqa u taala waa musuq maasuqiiste weyn, dhowr jeer ayuuna madaxweynuhu arrintaas beeniyay, laakiin dad badan weli kama qancin sababtoo ah markii arrintaas lagu shaabadeynaayay kama uusan shaqeyn inuu iska leexiyo.

Hada markale Cabdiraxmaan waxaa ku furmay kanaal culus oo weliba kii hore ka dhib badan. Culimada qaar ayaa gaaleysiiyay, waxyaabo kale oo badan iney socdaana waan maqleynaa. Soomaaliya waxaa ka jira koox diimeedyo badan oo aragti ahaan aad u kala fog balse waxyaabaha qaar ka siman, koox walbana dad ayaa ku xiran. Arrintaan waxey u muuqata iney ka simanyihiin.

Cabdiraxmaan uma babac dhigi karo kooxahaas iyo dadka ku fikirka ah. Waxaan kula talin lahaa inuu arrintaad xiligeeda xaliyo, hadii kale ha u diyaar garoobo 10 sanno oo cusub oo la dhihi doono Axaadiistii (NNKH) ayaad beenisay iyo ma beenin, taas oo sidoo kale si weyn u dhaawici karta hankiisa siyaasiga ah.

Cabdiraxmaan inta sax iyo qalad meel iska dhigo arrintaan cudur toos ah ha ka bixiyo, sababtoo ah dhowr sanno kadib markii cid walba lagu talaalo inuu Xadiis beeniyay waa ku adkaan doontaa inuu dadka sharaxaad ku qanciyo.

 

Like it? Share it!

Leave A Response