Maxaa laga filan karaa shirka wadamada khaliijka ?

by admin | Sunday, Dec 9, 2018 | 1021 views

Madaxda wadamada khaliijka ayaa waxa ay ku kulmi doonaan Magaalada Riyaad ee dalka Boqortooyada Sacuudiga, waxayna noqon doontaa kullankii ugu horeeyay oo ay isku soo hor fariistaan madaxda qaliijka tan iyo markii uu soo shaac baxay khilaafka siyaasadeed ee kala dhaxeeyo Qatar oo qeyb ka ah khaliijka.

Madaxdaani ayaa leh kullankooda 39’aad ee GCC, waxaana loo madalsanyahay in diirada lagu saaro xalinta khilaafka soo jiitamayey ee ka dhaxeeyo, waa hadii sida la filaayo Qatar kasoo qeyb gasho shirkaani.

Khilaafka wadamada khaliijka ayaa ku bilaawday kadib markii dalalka Sacuudi Carabiya,Bahrain, Emaaraatka iyo Masar ay cunaqabateyn dhan waliba leh kusoo rogeyn dalka yar ee Qatar.

Waxa ayna ku eedeeyeen in ay taageerto waxa ay ugu yeereyn argagixisada caalamka, balse Qatar ayaa beenisay oo iska diiday eedeymahaasi.

Qatar waa dal yar oo dhaqaalo badan leh waana sababta u sahashay in ay durbadiiba hesho dalal la garab ah oo khaliijka ka baxsan sida Turkeyga iyo Iran.

Khuburada ka faalooda arrimaha siyaasada Carabta ayaa saadaalinaya in khilaafka wadamada khaliijka uu halkaan kusoo gabagaboobi karo, maadama wax xoogaa biseyl ah ay muujiyeen labbada dhanba.

Like it? Share it!

Leave A Response