Maxaa laga ogaaday kiiska shabakadii Al-Shabaab uga howl-gali jirtay galbeedka Muqdisho ee lasoo qabtay?

by admin | Monday, Nov 11, 2019 | 638 views

 Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa galabta soo gabagabeysay dhageysiga dacwad loo heystay xubno lagu eedeeyay in ay ka tirsanyihiin dagaalamayaasha Al-Shabaab, kuwaas oo loo heysto dilal ay ka geysan jireen daafaha galbeed ee magaalada Muqdisho.

Xubnaha la xukumay ayaa tiro ahaan gaaraya Afar ruux kuwaas oo lagu kala magacaabo 1-Shuceyb Cabdullaahi Maxamed,  2-Maxamed Cismaan Maxamed, 3-Ismaaciil Maxamed Xuseen iyo Saadaq Cabdi-Jabaar Cumar Xuseen.

Ragaan ayaa lagu eedeeyay in ay dilal u geysteen dad iskugu jiray saraakiil ciidan askar iyo dad shacab ah, kuwaas oo lagu dilay dagmooyinka dhaca galbeedka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Cali Maxamed Cali oo ka mid ah Abaayaasha dhalay mid ka mid ah dadkii la dilay ayaa fadhiga Maxkamadda ka sheegay in uusan garaneyn sababta loo dilay wiilkiisii oo gacanta ku hayay nolosha isaga, xaasaskiisa iyo sagaal caruur ah oo uu dhalay, kaas oo ka mid ahaa dadka ay dileen xubnahaan.

Xeer ilaa liyaha maxkmada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya Korneyl Cabdullahi Buulla Kamey ayaa Maxkmaada ka dalbaday in ragaan ay yihiin dambilayaal galay danbiga lagu soo eedeeyay waxaana uu dalbaday in lagu xukumo dil toogasho ah.

Guddoomiyaha Maxkmada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya  G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in dhawaan ay Maxkamaddu go’aan ka soo saari doonto  xukunka ragaan dhageesiga dacwadana ay intaan ku egtahay.

Like it? Share it!

Leave A Response