Maxaa loo haysta askarta la horgeeyay maxkamadda ciidamada qalabka sida?{AKHRISO}

by admin | Tuesday, Dec 7, 2021 | 452 views

Maxkamadda darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka sida qeybta 60-aad ayaa shalay waxaa la horgeeyay ciidamo ka tirsan xooga dalka, gaar ahaan kuwa qeybta 60-aad.
Askarta ay maxkamadda u fadhiisatey dhageysiga dacwadooda ayaa tiradooda tahay Afar Askar, kuwaasi oo lagu kala magacaabo Dable Xoogga Cali Aadan Isxaaq (Adan Ali Boon), Dable Cabdullahi Maxamed Maxamuud, Dable Sheegow Macalin Yare Maxamed iyo Dable xoogga Maxamed Nur Adan Diiriye .
Afarta Askari ayaa waxaa loo haysta inay sameeyeen Amar diido, kasoo tagid goobta shaqo iyo ku dhex faafinta ciidanka dhexdeeda Qabyaalada.
Sidoo kale waxaa lagu soo eedeeyay askartaan Anshax xumo, taasi oo aan si faah-faahsan loo soo bandhigin.

Waxaa soo gaba-gaboobay dhageysigii dacwadda loo haystay afarta eedeysane ee kamid ah ciidamada xooga dalka, waxaana dhawaan dacwadooda laga soo saari doona go’aan, sida uu sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda Maxkamada Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka sida qeybta 60-aad.

Like it? Share it!

Leave A Response