Maxaa looga hadlay Shirka Golaha Wasiirada Galmudug?

by admin | Friday, Jun 18, 2021 | 295 views

Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada oo uu shir guddoomiyay Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa looga hadlay u diyaar-garowga doorashooyinka, Dardargelinta Amniga, Xaaladda Caabuqa Covid-19.
Shirkan oo uu ka qeybgalay madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid, ayaa sidoo kale lagu ansixiyay miisaaniyad sanadeedka 2021 oo ay soo gudbisay wasaaradda maaliyadda.

Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in xaalad amni xumo ay kusoo korortay degaanada Galmudug loona baahan yahay in ciidanka Ammaanka ay gutaan waajibaadka saran.
Waxaa uu sidoo kale u sheegay golaha wasirada in uu magacaabay taliyaha xasilinta Galmudug iyo sidoo kale Amniga doorashooyinka loona baahan yahay in si wanaagsan loola shaqeeyo si ay u guuleystaan howlaha Amniga.

Like it? Share it!

Leave A Response