Maxaa looga hadlayaa Kulanka Maanta ee Xildhibaannada Golaha Shacabka?

by admin | Monday, Feb 13, 2023 | 267 views

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta waxaa lagu wadaa in mid kamid ah kulamadooda caadiga ah ay ku yeeshaan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa Xildhibaannada ku wargeliyay in Kulanka Maanta uu jiro kana soo qeyb galaan, iyada oo Ajandayaasha ay Kulanka Maanta ay kala yihiin:

  1. Ka doodista Warbixinta Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Nidaamka Maaliyadeed ee kheyraadka Dhulka Hoostiisa.
  2. Ka doodista Warbixinta Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha.

Sabtidii  todobaadkaan ayaa kulan ay yeesheen Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaa loo qeybiyay qaar kamid ah hindise sharciyadeedyada ay ka doodi doonaan, si ay dhawaan u meel mariyaan.

Like it? Share it!

Leave A Response