Maxamuud Sayid Aadan oo ka hadlay xaalada cakiran ee Soomaaliya

by admin | Sunday, Mar 7, 2021 | 355 views

Wafdiga uu horkacayay Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo muddo bil ah howlo shaqo ugu maqnaa magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa lagu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha magaalada Kismaayo ee Sayid Maxamed Cabdulle Xassan.

Soo dhaweynta Madaxweynaha ayaa waxaa qeyb ka ahaa masuuliyiin ka tirsan Jubbland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Kismaayo ee caasimadda KMG Jubbaland.

Madaxweyne kuxigeenka oo warbaahinta kula hadley qeybta nasashada ee Garoonka ayaa ugu horeyn u mahadceliyay dhammaan masuuliyiintii ku soo dhaweysay garoonka magaalada Kismaayo.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa waxa uu ka hadlay xaaladda cakiran ee siyaasadda Soomaaliya iyo abaaraha ka jira deegaanno ka tirsan Jubbaland isagoona faray hay’adaha samafalka in ay kaalmo deg-deg ah lasoo gaaraan dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Like it? Share it!

Leave A Response