Maxay ka wada hadleen Guddoomiyaha Aqalka Sare & Wakiilka QM?

by admin | Monday, May 9, 2022 | 513 views

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa kulan gaar ah Magaalada Muqdisho kula qaatay Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Amb, James Swan.

Amb, James Swan ayaa ugu hambalyeeyay xilka mar kale dhowaan loo doortay guddoomiyaha Aqalka Sare, waxa uuna kala hadlay tallaabada xigta ee lagu dhammeystirayo doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ee 15-ka Maajo, iyo in uu wax ka ogaado arrimaha hortabinta u leh Guddoomiyaha ee dhanka sharci-dejinta.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa uga mahad celiyay Amb, James Swan taageerada Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya gaar ahaan Arrimaha doorashooyinka.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socda kulamo u dhaxeeya Saamileyda siyaasadeed ee dalka iyo Wakiilada Beesha Caalamka, kuwaas oo loogu diyaar garoobayo doorashada Madaxweyaha Soomaaliya oo dhaceeysa 15 Bishaan May ee sanadkan 2020.

Like it? Share it!

Leave A Response